• Custom Search
  • August 2020
    M T W T F S S
     12
    3456789
    10111213141516
    17181920212223
    24252627282930
    31  
  • Photo of Milford Sound in New Zealand!

Hormuud oo imtixaanaysa sanadkii labaad arday ay la doonayso deeq waxbarasho

By Tajuddin
In Uncategorized
Aug 4th, 2020
0 Comments
731 Views
TWITTER

Muqdisho (Diplomat.so) – Illaa iyo 400 oo arday oo kasoo baxay dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta u fariistay imtixaan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, kuwaas oo buuxuiyay shuruudaha ka qeybgalka.

Hormuud Salaam Foundation

400 arday ayaa laga doonayaa 30-ka Qof ee kaalmaha hore ka gala Imtixankaan, iyaga oo dalbanaya jaamacad kasta oo ay doonayaan oo ku taala gudaha dalka.

Hormuud Salaam Foundation

Qarashaadka Jaamacadda iyo agabkooda waxbrasho 30-kaan arday ayaa waxaaa bixin doonta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, waxaana loo furi doonaa tababbaro ku saabsan takhasuska ay baranayaan.


Goobta uu Imtixaanka ka socday ayaa waxaa kormeer ku tagay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin sare oo matalayay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Guddoomiye Kuxigeenka Hey’adda Hormuud Salaam Foundation Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ayaa ka warbixiyay Imtixaankaan ay qaadayaan maanta, isagoo sheegay inay tahay fursad ay ugu faa’ideynayaan ardayada leh hamiga waxbrasho ee dhammeeyay dugsiyada sare, Isla markana aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka Waxbarasho, Shirkadda Hormuudna ay garab taagantahay mar waliba.

Hormuud Salaam Foundation


Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo dhankiisa ka hadlay goobta ayaa ku ammaanay Hormuud garab-istaagga ay bulshada Soomaaliyeed xili waliba u muujiso, isagoo ku dhiirrigeliyay ardayda u fariisaneysay Imtixaanka maanta oo kii labaad ee ay Shirkadda Hormuud ka qaadayso arday ay u xulanayso in ay ku deeqdo deeq waxbarasho oo gudaha dalka Soomaaliya ah.

TWITTER For more news and stories, join us on Facebook,Twitter , or contact us through our Email: diplomatso@diplomat.so, diplomatsonews@gmail.com

Comments are closed.