• Custom Search
  • May 2020
    M T W T F S S
     123
    45678910
    11121314151617
    18192021222324
    25262728293031
  • Photo of Milford Sound in New Zealand!

Hormuud foundation iyo Salaam Bank oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar ah oo kunool gobolka banaadir

By Najwa Guled
In Uncategorized
May 8th, 2020
0 Comments
2863 Views
TWITTER

Illaa 140 haween danyar ah ayaa kafaa’ideesatay deeq lacageed oo hey’adaha gargaarka ee Hormuud iyo salaam bank ay gaarsiiyeen iyadoo munaasabadda lagu qeybinayay deeqdan oo kadhacday xarunta dhalinyarada gabolka banaadir ay soo qabanqaabisay gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir Jawaahir Baarqab.

Ugu horeyn Jawaahir Baarqab, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir ayaa uga mahadcelisay hey’adaha gargaar Hormuud iyo Salaam bank deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyay haweenka danta yar , waxaana ay sheegtay in haweenkan ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii saameyn uu kuyeeshay Covid 19.

Guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir ayaa tilmaamtay in haweenkan danta yar ay isugu jiraan kuwa haysta caruur agoon ah, kuwo baahiyaha gaarka ah qaba oo lagasoo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka banaadir, iyadoo ku tilmaantay shirkada hormuud in ay tahay halbowlaha ama udub dhaxaadka taageera dad baahan iyo dadka nugul oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka soomaaliyeed.


Madaxa Hey’adaha Hormuud iyo Salaam bank Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay barnaamij lagu kaalmeynayo dadka danta yar oo dhowaanahan ay wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyada oo laga duulayo shaqa la’aanta ka dhalatay Koroona feyrus deeqdaan aysoo gaarsiiyeen haweenkan dakhligoodu hooseeyo.

Haweenka dantayar ee maanta loo qeybiyay deeqda lacagta ah ayaa ka mahadceliyay kaalmada ay soo gaarsiiyeen Hormuud iyo Salaam bank, iyagoo tilmaamay in xiligii ay u baahnaayeen la soo gaarsiiyay, iyaga oo hadallo u badan duco ujeediyay samafalayaasha soo gaarsiisay gargaarka.


Dhinaca kale Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in shirkadda Hormuud ay gacan kageysaneyso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka covid 19, iyada oo sidoo kale ambalaasyo ay ku xoojiyeen isbitaalka Martiini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunkani.


Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maalin kasta Hormuud iyo Salaam bank ay ka qeyb qaataan af-furinta dad badan , isaga oo sheegay in lacag gaaraysa 10.000 oo doolarka Mareykanka lagu af-furiyo dad aad ufara badan oo danyar ah.

Barnaamijka lagu taakulaynayo dadka dantayar ayaa Hormuud iyo Salaam bank waxaa maalmihii la soo dhaafay ay kawadeen gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka faa’ideysteen dad aad u farabadan, iyadoo madaxdu balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka ku nool xaalad dhaqaale xumo oo aad u daran.

TWITTER For more news and stories, join us on Facebook,Twitter , or contact us through our Email: diplomatso@diplomat.so, diplomatsonews@gmail.com

Comments are closed.