• Custom Search

Hey’adda Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Isbitaal Martiini

By Tajuddin
In Uncategorized
Apr 28th, 2020
0 Comments
1347 Views
TWITTER
Hormuud Foundation oo deeq kaalmo ah bixisay

Hormuud Foundation oo sanad walba marka la gaaro bisha barakeysan boqata xarunta xabsiga dhexe waxay geysaa deeq mucaawino ah oo ay ugu talagaleen maxabiista xabsiga ku jirta in ay fadliga bisha barakeysan ee ramadaan uga faa’ideystaan.

Maamulka Xabsiga Dhexe ee Xamar

Deeqdaan oo isugu jirta Bur Bariis, baasto, Sokor, Saliid, Caleen shaah, Cabitaan, Timid iyo 5-Neef oo Geel ah, waxaa kaloo Hormuud ay maxaabiista siisay dhar ay ugu tala gashay inay ku ciidaan maalin Ciida.
xubno ka tirsan Hormuud Foundation iyo Salaam Somali Bank ayaa si wada jir ah u tagay xarunta xabsiga dhexe halkaasi oo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay sida wada jir ah ugu wareejiyeen,deeqda ay xasbiga dhexe geeyeen.

Guddoomiyaha Hormuud Foundation

Cabdullaahi nuur Cismaan Gudoomiyaha hormud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqda maanta ay gaarsiiyeen xabsiga dhexe ee xamar.

Deeqda

Maryan Aamiin Awies oo ka socotay Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay ahmiyada ay ka dhigan tahay deqdan ay maxaabista xabsiga ee muqdisho maanta gaarsiiyeen.
Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ad ugu mahad celiyay madaxda shirkadda hormuud qeybaheeda kale duwan sida ay u garteen in fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan Awgeed deeqdan u gaarsiiyaan maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar.

Naafada Isbitaalka Martiini

Dhanka kale Hey’adda Hormuud Fondation ayaa ciidamada naafada ah xooga dalka soomaaliyeed gudoonsiisay deeq isugu jirta Lacag cash ah iyo Timir, waxaana Gudoomiyaha hormuud foundation cabdullaahi Nuur cismaan uu sheegay in deeqda ay kakoobantahay 5.000 (shan kun oo doolarka mareekanka) ah iyo 50 kartoon oo timir ah.

Waxaa deeqdaasi u gudoomay Ciidamada Naafada ah ee ku jira Isbitaalka Martiini afhayeenka Ciidamada naafada oo hay’ada hormuud foundation kaga mahad celiyay taageerada ay lagarab taaganyihiin dadka danta ayar mar walba.

TWITTER For more news and stories, join us on Facebook,Twitter , or contact us through our Email: diplomatso@diplomat.so, diplomatsonews@gmail.com

Comments are closed.