• Custom Search

Safiirka Turkey oo Muqdisho Xaflad loogu sameyay

By Tajuddin
In Local News
Jul 12th, 2014
0 Comments
1457 Views
TWITTER
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Cemalettin Kani Torun ayaa munaasabad lagu sagootinayay loogu sameeyay Muqdisho, wuxuuna Safiirka uu dhawaan dib ugu laabanayaa dalkiisa.

Munaasabadan oo lagu mac-salaameynayay Safiirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyaro ku mideysan dalladaha waxbarashada iyo Jaamacadaha Muqdisho ku yaal.

Xubnihii kasoo qeybgalay munaasabadan lagu macsalaameyay Safiirka Turkiga ayaa waxay ugu mahad celiyeen kaalinta Dowladda Turkiga ka qaadatay dib u dhiska dalka Somalia ay ka wato, horumarka dhinaca waxbarashada, mashaariicda kala duwan iyo gargaarka ay dadka Soomaaliyeed soo gaarsiinayaan.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa u mahad celiyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen lana shaqeeyeen. Wuxuu intaa ku daray in imaanshihii R/wasaaraha Turkiga ee Muqdisho ay caalamka ku dhiiri galisay in Soomaaliya la tagi karo laguna shaqeyn karo.

safiirka-turkiga-xaflad-2safiirka-turkiga-xaflad-3

safiirka-turkiga-xaflad-1

TWITTER For more news and stories, join us on Facebook,Twitter , or contact us through our Email: diplomatso@diplomat.so, diplomatsonews@gmail.com

Comments are closed.